Liverpool oo lagala wareegay hogaanka horyaalka kaddib bar baro ay la dhaafi weyday Everton +sawiro

( Premier League ) 2 March 2019  kooxda Liverpool ayaa bar baro la dhaafi weyday kooxda Everton kulan ka tirsan horyaalka Premier League waxa ayna lumiyeen hogaamintoodii horyaalka Premier League .

Labada koox ayaa awoodi waayey in ay la yimaadaan gool qeebtii koowaad ee ciyaarta , xili fursad gool loo filan karay uu ka qasaariyey kooxdiisa xidiga reer Masar Mohamed Salah .

Kooxda Everton oo garoonkeeda ku ciyaareysay aya  dooneysay  in ay soo gaba gaba gabeyso guul la’aan waqti dheer  ka heysata kooxda Liverpool oo ay isku gobol ka dhisanyihiin .

Qeebtii koowaad ee kulanka ayaa ku idlaaday bareejo oo ma jirin koox gool la yimid , waxaa loo huleelay qolka labiska si ay ciyaartoyda usoo qataan nasiino iyo talooyin wax ku ool ah .

Waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta  kooxda Liverpool ayaa halkeeda ka sii waday dadaalkeeda goosha markale Mo Salah ayaa gool ka qasaariyeye kooxdiisa .

Daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta kooxda Liverpool ayaa sameesay labo badal waxana garoonka u soo galay Milner iyo Firimino waxa badal ku baxay  Divock Origi iyo Wijnaldum.

Liverpool ayaa ka  ciyaar wanaagsaneed kooxda Everton qeebtii dambe ee ciyaarta waxaana soo maray jaanisyao badan oo gool loo filan karay balse kama aysan faa ideysan in ay gool u badalaan .

ugu dambeena kualnkii adkaa ee ayaa ku soo idlaaday bareejo , Liverpool ayaana lumisay hogaaminteedii horyaalka waxa ayna dhibic ka hooseysaa kooxda Man city .

 

 

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close