Kooxda Chelsea oo guuul dirqi ah ka gaartay kooxda Fullham +sawiro

( Premier League ) 2 March 2013  kooxda Chelsea ayaa guul dirqi ah ka gaartay kooxda Fullham kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League ciyaarta ayaana ku dhamaatay 2-1 .

Qeebtii koowaad ee ciyaarta kooxda Chelsea ayaa soo bandhigaty qaab ciyaareed cajiib ah waxaan u suura gashay in ay la yimaadaan labo gool qeebtii koowaad ee ciyaarta , goolka koowaad waxaa u dhaliyey xidigooda dhwaan galka ah ee  Gonzalo Higuain.

Calum Chambers oo daafca ugu ciyaara kooxda Fullham ayaa dhaliyey goolka bareejada daqiiqadii 26-aad ee ciyaarta , waqti yar un kaddib xidiga heerka caalami ee xulka Italy ee Jorjinho ayaa  u dhaliyey kooxdiisa Chelsea goolkii labaad ee ciyaarta.

Ugu dambeen qeebtii koowaad ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-1 oo ay kooxda Chelsea kaga horkaceyso dhogeeda kooxda Fullham .

Nasiino kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta , kooxda Fullham ayaana sameesay isku dayo dhowr ah qeebtii dambe ee ciyaarta .

Dhinaca kale oo kooxda Bules ayaa dhankeeda sameesay isku dayo badan oo dhowr ah balse dhankoodana uma suura galin in ay gool kale keenaan qeebtii dambe ee ciyaarta  , dhamaadkii ciyaarta goolhayaha kooxda  kooxda  Chelsea ee Kepa Arrizabalaga ayaa sameyey badbaadin cajiib ah .

Ugu dambeen ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-1 oo a ay guushu ku raacday kooxda Chelsea oo adkaaneysa labo kulan oo xiriir ah  oo Londone derby .

 

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close