Guardiola oo si weyn ugu amaanay ciyaartoyda kooxda Manchester City guushii ay ka gaareen Bournemouth

(Spain) 03 Maarso 2019. Macalinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa si weyn u amaanay qaab ciyaareedka ciyaartoyda Sky Blues kadib guushii 2-0 ahayd ay ka gaareen Bournemouth.

Shabakada caanka ah ee BBC ayaa soo xigatay wareysi uu bixiyay macalinka reer Spain ee Pep Guardiola.

“Waxaan soo bandhignay qaab ciyaareed aad u fiican ee macquul ah, waxay ahaayeen koox nidaamsan, laakiin ma jirin wax shuut ah ay ku tureen goolkeena”.

“Waxaan sameenay qaab difaacasho aad u fiican, jamaahiirta waa inay ka war qabaan sida ay u adag tahay inaan weerarno koox 11-ka ciyaaryahanba ay ciyaarayaan qorsho difaaceed”.

“Waxaan u mahad celinayaa dhamaan ciyaartoyda waxay ahaayeen kuwo aad u fiican”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close