Tababaraha Kooxda Manchester City Guardiola oo sheegay inay afar ciyaartooy soo iibsanayaan xagaagan

(Manchester) 02 Maarso 2019.  Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee waddanka Ingiriiska Pep Guardiola ayaa sheegay in kooxdiisu soo iibsan doono 4 ciyaartooy xagaagan marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga.

Labadii suuq ee ugu dambeeyay ee kala iibsiga ciyaartoyda waxaa Guardiola uu soo iibsaday hal ciyaaryahan, hase yeeshee tababaraha Reer Spain ayaa wareysi uu siiyay ‘The Mirror’ waxa uu ku sheegay inay dhowr ciyaartooy soo iibsanayaan xagaagan.

“Saddex illaa Afar boos ayaan doonaynaa inaan daboolno, maanta Benjamin Mendy ma caafimaad qabo, muddo laba xilli ciyaareed ahna waa dhaawac, aad baan uga murugsanahay” ayuu yiri Guardiola.

Dhanka kale hadallada Guardiola ayaa ku soo aadaya kaddib markii ciyaartoyda Man City ee kala ah Aymeric Laporte iyo Fernandinho ay dhaawacyo soo gaareen, halka John Stones iyo Gabriel Jesus iyagana saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ka maqnaayeen kooxda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close