Real Madrid oo xilka ka tuurtay macallinkii kooxda da’yarta isla markaana magacawday Raul Gonzalez

(Madrid) 02 Maarso 2019.   Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xilka ka qaadday tababarihii da’yarta ama kooxda labaad ee Alvaro Benito, kaddib dhaliil uu u jeediyay laacibiinta Real Madrid ee kala ah Casemiro iyo Toni Kroos.

Tababare Benito ayaa wareysi uu siiyay Raadiyaha ‘Cedena Ser’ kaddib kulankii Copa del Rey ee Real Madrid vs Barcelona 0-3 waxa uu yiri “dhibaatadu waxay tahay waxaa jira ciyaartooy u ciyaareysa si aan ahayn heerkii la rabay, waxaan ka hadlayaa Casemiro, kaasoo waqti xaadirkan aan u qalmin inuu 1 daqiiqo u ciyaaro Madrid”.

“Toni Kroos waa ciyaaryahan fiican marka ciyaartu xaggiisa u janjeerto, balse marka ay ka jiifto waxba ma galo” ayuu sii raaciyay Alvaro Benito.

Madrid ayaa tallaabo deg deg ah ka qaadday tababare Benito, iyadoo ku bedeshay xidiggii hore ee kooxda Real Madrid, Raul Gonzalez oo haatan 41 jir ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close