Marouane Fellaini oo guul farta ka saaray kooxdiisa cusub kulankiisii ugu horreeyay…(DAAWO GOOLKA)

(China) 02 Maarso 2019. Marouane Fellaini ayaa guul u horseeday kooxdiisa Cusub ee Shandong Luneng kaddib markii uu dhaliyay goolka madiga ah ay kaga adkaadeen Beijing Renhe.

Joog dheeraha reer Belgium ayaa afar sano iyo bar uu jooga Old Trafford u soo baqoolay horyaalka Shiinaha kaddib markii uu 10-milyan ugu soo dhaqaaqay bishii Janaayo, wuxuuna usbuuciiba jeebka ku shuban doonaa 360,000 oo bound.

Kulanka furintaanka xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Shiinaha 2019 ayay kooxda Shandong Luneng gool caato ah uga adkaatay Beijing Renhe.

Fellaini ayaa goolka dhaliyay daqiiqadii 50-aad ee ciyaarta.

DAAWO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close