Manchter City oo la wareegtay hogaanka horyaalka kaddib guul ay ka gaartay Bournemouth iyo manchester United oo guul dirqi ah gaartay

(premier league ) 2 March 2019 kooxda Manchester City ayaa guul dirqi ah ka gaartay kooxda Bournemouth kaddib ciyaar ku soo dhamaatay 1-0.

Qeebtii koowaad ee kualna kooxda Manchester City ayaa ku dhameesatay iyada  oo aan goolna dhalin wallow ay sameeyeen isku dayo badan oo gool loo filan karay .

Kooxda Bournemouth oo garoonkeeda ku ciyaareysay ayaa ku adkeesatay in shabaqeeda gool ka ilaashato qeebtii koowaad ee ciyaarta , kulanka qeebtiisa hore ayaana lagu kala maray bar baro 0-0.

Nasiino kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta wiilasha kooxda City ayaana dadaal u galay sidiii ay ku qaban lahaayeen hogaanka ciyaarta .

Riyad Mahrez oo badal ku soo galay ciyaarta ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 55-aad ee ciyaarta waxaana goolkaas ka caawiyey laacibka reer Spain ee David selva .

ugu dambeen ciyaarta ayaa ku idlaatay 1-0 City ayaana la wareegtay hogaanka horyaalka qaab kumeel gaar ah inta laga gaarayo natiijo ciyaareedka ka soo baxda kulanka Liverpoo ee Axada.

Dhinaca kale kooxda Manchester United oo garoonkeeda ku marti qaaday kooxda Southampton ayaa gaartay guul muhiim ah waxa ayna ku adkaadeen 3-2

United ayaa laga dhaliyey gool caqibad lahaa  qeebtii koowaad ee ciyaarta waxaana kubad xoogan oo sida madfici oo kale shabqa ku hubsaday Yann Valery daqiiqadii 26-aad ee qeebtii koowaad ee ciyaarta , wixii ka dambeyey United ayaa awoodi weysay in ay keenaan goolka bareejada qeebtii koowaad ee ciyaarta  .

Qeebtii koowaad ee kulanka ayaa soo idlaaday Southampton oo gool kaga hor kaceysa kooxda Manchester , balse markii dib la isagu soo laabtay qeebtii dambe ee ciyaarta United ayaa la timid labo goo loo deg deg ah waxaana u dhalieyey xidigeheeda kala ah Andres Preirra iyo Lukaku .

United ayaa awoodi weysay in ay difaacato goolkeeda durba kooxda Southampton ayaa la timidi goolka  bareejada waxaana u dhaliyey James Ward Prowse.

Lukaku ayaa markale gaaray shabaqa  waxa uuna natiijada ciyaarta ka dhigat 3-2 oo ay ku hor kaceyso kooxda Manchester United ugu dambeen ciyaarta ayaana ku dhamaatay 3-2.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close