Isco oo lagu soo daray Safka Real Madrid ee Caawa wajahay Barcelona

(Madrid) 02 Maarso 2019. Real Madrid ayaa ku dhawaaqaday shaxda ay caawa kala hortageyso Barcelona is aragooda labaad ee horyaalka La Liga.

Isbadelka ugu wayn ee ka cusub safka Los Blancos waa in dib loogu yeeray Isco kaa oo laga soo tagay kulankii Arbacada ay guul darada kala kulmeen Barcelona afar dhammaadka Copa del Rey.

Marka laga soo tago Marcos Llorente oo dhaawacan waxaa sidoo kale laga soo tagay Alvaro Odriozola iyo xiddigii hore ee Manchester City Brahim Diaz

Araga xiddigaha Real Madrid ee loo magacaabay kulanka caawa ay Real Madrid ku wajaheyso Bacelona:

Navas, Courtois, Zidane, Carvajal, Vallejo, Ramos, Varane, Marcelo, Reguilon, Kroos, Modric, Casemiro, Valverde, Asensio, Isco, Ceballos, Mariano, Benzema, Bale, Lucas Vazquez, Vinicius Jr.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close