“Waxaan ku laabanay guryaheena inagoo murugeysan” – Solari oo ka hadlay dareenkiisa kadib guuldaradii xalay ee El Clásico

(Spain) 28 Feb 2019 Tababaraha reer Argentina ee Santiago Solari ayaa ku amaanay ciyaartoydiisa qaab ciyaareedkii ay ku soo bandhigeen kulankii xalay El Clásico ee lugta labaad wareega 4-ta Copa del Rey, inkastoo ay guuldarro soo gaartay.

Kooxda Barcelona ayaa guul 3-0 ah ka gaartay kooxda Real Madriid kulan ciyareedkii ka tirsanaa tartanka boqorka Spain wareegiisa Semi finalka, waxayna u gudubtay finalka tartankan.

Solari ayaa ciyaarta kadib sheegay in kooxdiisa Real Madrid ay guul daro kala kulantay Barcelona, ​​balse ay sameeyeen dadaal kasta.

“Waxaan kala kulanay Barcelona guuldaro si sharf leh, waxaan sameynay dadaal aan caadi ahayn inta badan ee ciyaarta”.

“Lakiin waxaan ku laabanay guryaheena inagoo murugeysan         , sababtoo ah waxaan dooneynay inaan gaarno finalka, balse waxaa muhiim ah inaan u hambalyeeno kooxda Barcelona”.

“Waxaan sameenay fursado badan, balse kama faa’ideysanin, laakiin kooxda aan la ciyaarnay waxay ahaayeen kuwo qanacsan”.

“Kubadda cagta waa inaad xoogan tahay, waa inaad abuurto fursado, inaad noqoto kuwo wax go’aamiya, isla markaana goolal dhalin kara waqtiyada qaarkood”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close