Taageerayaasha Real Madrid marna ma ilaawi doonaan Sawiradan kuu muuqda ee Xalay laga qabtay Ramos……(Maxay ka tarjumayaan??)

(Spain) 28 Feb 2019. Kabtanka Real Madrid Segio Ramos ayaa sawirro lama ilaawaan ah laga qabtay xalay kaddib markii Real Madrid laga dhaliyay goolka saddexaad lugtii labaad ee afar dhammaadka Copa del Rey.

Kaddib markii uu Suarez dhaliyay rigoorada loo yaqaano Panenka kaa oo ahaa goolka saddexaad ee Barcelona, Sergio Ramos ayaa fariin niyad jab leh u gudbiyay saaxiibadiisa kooxda

“Yaynaan u ogolaan inay naga dhaliyaan lix gool,” Ramos ayaa sidaa ku qeyliyay markii goolka saddexaad laga dhaliyay taa oo muujineysa quus.

Xiddigaha kooxda ayaa malaha qaatay fariinta Ramos oo ciyaartu waxay ku dhammaatay 3-0.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close