“Ronaldo ma joogo meeshaan ee warkiisa naga xira.”.- Casemiro oo hadlay kaddib Guul daradii xalay ka soo gaartay Barcelona

(Spain) 28 Feb 2019. Casemiro ayaa wax laga waydiiyay tagista Ronaldo kaddib markii ay Real Madrid wax gool ah ka dhalin waysay Barcelona ciyaartii xalay ee lugta labaad ee semi final ka Copa del Rey ee looga adkaaday 3-0.

Xiddiga ugu goolasha badan taariikhda Los Blancls ee Cristiano Ronaldo ayaa xagaagan ku biiray Juventus.

“Kama hadli karno qof aanba meesha joogin,” Casemiro ayaa sidaa yiri.

“Cristiano Ronaldo ma joogo halkan laakiin usbuuc ka hor Karim Benzema ayaa ahaa No.9 ka ugu fiican adduunka.

“Iminka waa inaan u dagaalanaa qofka aan nahay. Wax gool ah ma aynaan dhalin laakiin si adag ayaan u shaqeynay, inbadan ayaan dagaalanay fursado badana waan abuurnay.

Image result for Casemiro and Ronaldo

“Laakiin haddii aad ka faa’iideysan wayso fursadahaaga intaa kaddib kooxda kaa soo horjeeda waxbadan ayay ku dhaawici kartaa, taasina waa wixii dhacay.”.

Inkastoo laga adkaaday Real Madrid kulankii xalay misane 18-jirka Vinicius Junior ayaa dhigay wacdaro wayn isla markaana abuuray fursado gool loo filan karay, Casemiro oo ka hadlaya wiilka yar ayaa yiri:

“Waa caddaalad daro inaan isaga kaliya ka hadlo, laakiin waa mid dhiiran oo cidna ka cabsaneyn.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close