Karim Benzema oo la dhacay intii uu ku mashquulsanaa kulankii xalay ee El Classico

(Madrid) 28 Feb 2019.  Weeraryahanka kooxda Real Madrid Karim Benzema ayaa intii uu ku maqnaa ciyaartii xiisaha lahayd ee xalay ee ‘El Classico’ ee wada ciyaareen Real vs Barcelona, waxaa kooxo burcad ah ay u dheceen gurigiisii.

Tuugta ayaa qaatay waxyaabo qiimo leh oo guriga u yaallay laacibka reer France Benzema oo xilligaasi jiray ciyaartii lugta 2-aad ee nus dhammaadkii Copa del Rey oo 3-0 lagu khaarijiyay Real Madrid.

Jaraa’idka ‘El Chiringuito’ oo warkan qoray ayaanan magacaabin waxyaabaha qaaliga ah ee tuugadu kala bexeen guriga Benzema.

Tuugada ayaa jabsada guryaha ay aad uga baaraan degeen isla markaana og yihiin xilliga milkiilihii lahaa iyo shaqaalihiisuba ay aqalka soo galaan kana baxaan, markaas oo ay howlahooda tuuganimo u dhaqaaqaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close