“In kursiga keydka uu fariisto Kepa waxay fariin u tahay qof walba” – Sarri

(Chelsea) 28 Feb 2019. Macalinka kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa ka hadlay go’aankii uu Kepa Arrizabalaga ku fariisiyay kursiga keydka kulankii ay Tottenham Hotspur ay xalay kula ciyaareen horyaalka Premier League.

Shabakada caanka ah ee BBC-da ayaa soo xigatay wareysi uu Maurizio Sarri kaga hadlay goolhaaye Kepa Arrizabalaga wuxuuna yiri:

“Waa doorasho, sidoo kale waxay arintan fariin u tahay kooxda oo dhan, sababtoo ah waxaan nahay koox, ma ahan go’aankeyga mid ku kooban 25 ciyaaryahan”.

“Waxaan u maleynayaa in Willy Caballero uu diyaar u ahaa ka qeyb qaadashada kulankii Tottenham Hotspur, waa ciyaaryahan leh khibrad heer sare ah”.

“Waxaan qabaa inaan si fiican u ciyaarnay kulankii Manchester City ee finalka FA Cup, kaliya waxaan ka niyad jabnay natiijada ciyaarta”.

Si kastaba kooxaha Chelsea ayaa guul muhiim ah ee 2-0 kaga gaartay Tottenham Hotspur kulankii xalay ay ku wada ciyaareen horyaalka Premier League

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close