Gareth Bale oo mar walba inkaari ka haysato dhanka Barcelona

(Madrid) 28 Feb 2019.  Tan iyo markii uu xidigga reer Wales Gareth Bale ku soo biiray Real Madrid 2013-kii waxaa Real ay garoonkeeda Bernabeu ku marti gelisay Barcelona 5 jeer, iyadoo shantaasi jeerna laga badiyay Los Blancos.

Guuldarrooyinkaasi waxaa ugu dambeysay ciyaartii xalay ee lugta 2-aad ee nus dhammaadka Copa del Rey ee Real Madrid v Barcelona 0-3.

Markii uu Berbeneu yimid Bale xilli ciyaareedkii ugu horreeyay 4-3 waxaa Bernbeu loogu awood sheegtay Real Madrid, iyadoo Messi uu saddexleey dhaliyay (hat-trick).

2015/16 Real Madrid waxaa lagu karbaashay 4-0 ciyaar ka dhacday Bernabeu oo ay libin sarreysay Barcelona.

Labadii xilli ciyaareed ee La Liga ee la soo dhaafay waxaa laba jeer Real Madrid looga badiyay Bernabeu oo mari ay ahayd 3-2 oo ay Barcelona ku adkaatay April 2017, iyo 3-0 oo December isla sanadkaasi magaallada Madrid looga guuleystay Real.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close