“Liverpool kuma guuleysan doonto Premier League.”.- Tababaraha Man United Solskjaer oo warkaan u sheegay…..

(England) 27 Feb 2019. Tababaraha ku meel gaarka ah ee Manchester United Solskjaer ayaa u sheegay ciyaartoydiisa kooxda in Liverpool aysan ku guuleysan doonin Premier League isla markaana aysanba lahayn awooda ay koobka kaga qaado Manchester City.

Sida ay sheegayaan ilo wareed laga helay Man United in Solskjaer uu qodobadan u sheegay ciyaartoyda kooxdiisa:

  • Liverpool waxay ciyaari kartaa oo qura kubbadaha weerarka gaadmada ama rogaal celiska ah ‘counter-attack.
  • Waxay ku guul darreysteen inay kooxaha ku bur-buriyaan ciyaarta ku saleysan baasaska gaa-gaaban.
  • Malahan hal abuur oo uma joogo kubbad qaabeeye rasmi ah, mana lahan wax saameyn ah ilaamaa ay gool la hormaraan isla markaana ay la ciyaarayaan koox sidooda oo kale weerartanta.
  • Liverpool uma fiicna sida Man United oo kale.

 Mo Salah struggled during the Old Trafford clash and was subbed off by Jurgen Klopp

Manchester United ayaa gabi ahaan damisay Liverpool kulankii Axada ee Premier League kaa oo ku idlaaday bar-baraha goolal la’aanta iyadoo ay jirto in Reds aysan wax fursado khatar ah ula tagin goolhaye David De Gea.

Kooxda ka arrimisa Old Trafford ayaana ka fiican Liverpool tan iyo sidii uu xilka ugu qabtay Solskjaer oo aan weli laga adkaan kulan Premier League ah.

Tababaraha ku meel gaarka ah ayaa sidoo kale ammaanay xidigihiisa kooxda kaddib kulankii Liverpool maadaama ay kooxdu la tacaashay ciyaarta xilli ay qeybtii horeba dhaawac uga baxeen garoonka Juan Mata, Jesse Lingard iyo Ander Herrera isla markaana uu dhutinayay Rashford.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close