HORDHACA: Kulanka Heegan Vs jazeero Sports Club

(Soomaaliya) 27 Feb 2019. Kooxaha Heegan iyo jazeero Sports Club ayaa galabta ku balansan garoonka Banadir Stadium, ciyaar qeyb ka ah horyaalka Soomaali Premier League.

Kulankan ayaa ah mid aad u xiiso badan, waana kulankii 15-aad ee laga dheelayo horyaalka Somali Premier League.

XAQIIQOOYINKA KULANKAN:

Kooxda Heegan kulankii ugu dambeyay waxey la soo kulantay guul daro xanuun badan waxey kala kulantay naadiga Elman xili 3-1 loogu awood sheegtay Wiilasha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan.

Naadiga Jazeera Sports Club ciyaartii ugu dambeysay waxey bar baro 1-1 la soo gashay kooxda Cawo Iyo Maalin ee Horseed.

Heegan Kulankan waxaa ka maqnaan doona xidigaha kala ah Cumar Qaxtaani iyo Mahad Baseey kuwaaso oo dhaawacyo kala duwan ku seegaya dheeshan.

Wiilasha Jazeera waxey ku jiraan kaalinta 9-aad ee kala sareynta horyaalka iyago leh 1-dhibcood waxeyna galabta dheelayan kulankoodii 3-aad ee horyaalka.

Kooxda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan waxey fadhiyaan booska 4-aad ee kala sareynta horyaalka iyago leh 3-dhibcood, waxeyna dheeli doonan kulankoodii 3-aad ee horyaalka.

Ogeysiis Ciyaarta:

Tartanka: Horyaalka Somali Premier League

Kooxaha: Heegan Vs Jazeera Sports Club

Garoonka: Banadir Stadium

Saacada: 3:30

W/d Cabdifitaax Naani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close