Arsenal oo xasuuq daran u geysatay kooxda Bournemouth + SAWIRO

( Premier League ) 28 Feb 2019 Kooxda Arsenal ayaa guul daro xanuun badan biday kooxda Bournemouth kulan ka tirsan horyaalka Premier League , kulanka ayaana ku soo dhamaaday oo ay guushu ku raacday kooxda Arsenal .

Qeebtii koowaad ee kulanka ayaa ahaa mid aad u xiiso badan kooxda Arsenala ayaana la timid labo gool bilowgii hore ee ciyaartaba .

Xiidga reer Germanay ee Mesut Ozlil ayaa durba kooxdiisa u dhaliyey gool daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta waxaana goolkaas ka caawiyey xidiga daafaca muslimka ah ee Sead Kolasinac .

Arsenala ayaa sii laba jibaartay duulaankeeda waxaana yimid goolkii labad ee ciyaarta waxaana dhaliyey Henrikh Mkhitaryan daqiiqadii 27-aad ee ciyaarta waxaana ka caawiyey Ozil oo kulanka ka dhex muuqday .

Kooxda Bournemouth ayaa iska soo guday hal goo loo deen ah waxaana goolkaas u keenay xidigooda lagu magcaabo Lys Mousset waxaana goolkaas ka soo shaqeeyey Dan Gosling .
Qeebtii koowaad ee ciyaarta ayaa lagu kala maray Arsenal oo hogaanka ciyaarta ku heysa 2-1 balse waqti nasiino kaddib waxaa dib loo amba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan .

Arsenal ayaa heshay gool qeebtii dambe ee ciyaarta waxaana u dhaliyey Kabtankooda Laurent Koscielny waxaana goolkaas ka caawiyey Henrikh Mkhitaryan .

Daqiiqadii 59-aad ee ciyaarta Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliiyey goolkii afaraad ee ciyaarta waxaana caawinteeda lahaa Mkhitaryan oo ahaa shumaca garoonka .

Ugu dambeen bandhiga goolasha waxaa soo xiray Lacazette  ciyaarta ayaana gabi ahaanba ku soo  dhamaatay 5-1 .

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close