Liverpool oo ka cabsi qabta in Roberto Fermino uu seegi doono kulanka culus ee….

(Liverpool) 26 Feb 2019.   Weeraryahanka xulka qaranka Brazil iyo kooxda Liverpool Roberto Firmino ayaa ka baxay garoonka Old Trafford isagoo cuskanaya biraha caawiya qofka aan saani u socon karin dhammaadkii ciyaartii ay 0-0 isku mari waayeen Liverpool iyo Man United.

Wararka laga helayo Liverpool ayaa tilmaamaya inuu shaki weyn ku jiro suurtogalnimada in Firmino ka qayb galo ciyaarta (Merseryside derby) ee 03 Maarso wada yeelan doonaan Liverpool iyo Everton.

Liverpool oo 1 dhibic ku hoggaaminaysa Horyaalka Ingiriiska ayaa berri waxay la dheeli doontaa Watford ka hor inta aysan ka hor tegin Everton.

Maqnaanshaha Firmino oo 27 jir ah ayaa waxay fursad siinaysaa Daniel Sturridge oo Tababare Jurgen Klopp uu ku soo bilaabay 2 kulan oo Horyaalka Ingiriiska ah oo qura.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close