Juan Mata oo qarka u saaran in uu qandaraaska u cusbooneysiiyo kooxdiisa Manchester United

(Manchester) 26 Feb 2019.  Laacibka kooxda Manchester United ee waddanka Ingiriiska Juan Mata ayaa ku dhow inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo naadigiisa sida uu ku warramayo wargeyska ‘The Sun’.

Mata oo Manchester United u ciyaaraya tan iyo Janaayo 2014 ayaa waxa uu u dhaliyay 44 gool 213 kulan oo uu u saftay, halka uu sameeyay 36 caawimaad (assists).

Ciyaaryahan Mata oo 30 jir ha ayaa heshiiskiisa haatan ee MU waxa uu dhacayaa xagaagan, waxaase la tilmamaayaa in sanad kale loogu kordhin doono qandaraaskiisa iyadoo markaa kaddibna misna sanad kale oo dheeraad ah loogu dari karo heshiiskiisa illaa 2021.

Xilli ciyaareedka haatan socda waxa uu Mata dhaliyay 5 gool, halka 3 baasna uu siiyay saaxiibadiisa 27 kulan oo uu saftay.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close