HORDHACA: Kulanka xiisaha badan ee Horseed Vs Muqdisho City

(Soomaaliya) 26 Feb 2019. Kulan xiiso badan ayaa galabta ka dhici doona garoonka Banadir Stadium,kaa oo dhaxmari doona  kooxaha Horseed Iyo Muqdisho City Club.

Ciyaartan ayaa ah midii 14-aad ee laga ciyaarayo horyaalka Somali Premier League fasal ciyaareedkan.

KULAMADA FOOL KA FOOL

Saddexdii kulan ugu dambeyay ay labadan kooxod isku arkan horyaalka waxaa 2-kamid ah adkaatay naadiga Muqdisho City Club ooh ore loo oran jiray Banadir Sports Club halka kulanka kale ay badisay naadiga Cawo iyo Maalin ee Horseed.

Horseed oo wali ka dhax guuxeysa guuldaradii  finaalka tartanka General Daa’uud ayaa galabta rabta iney ka adkaato Muqdisho City Club.

Ogeysiis Ciyaarta:

Tartanka: Somali Premier League

Kooxaha: Horseed Vs Muqdisho City Club

Goobta: Banadir Stadium

Saacada: 3:30

XAAQIIQOOYINKA HORSEED FC:

Horseed kulankii ugu dambeyay waxey bar baro 1-1 la soo gashay kooxda Jazeera Sports Club.

Kabtanka kooxda Horseed Nuune Haashim ayaa kulankan shaki la  galinaya isago waxyeelo  sheeganaya balse daqiiqado ka hor ciyaarta ayaa la ogaan doona xaladiisa laacibkan khadka dhexe ka dagaalama.

kooxda Horseed kulanka galabta waxey weyn doonta  xidiga lagu magacabo farxan duqow kaas uu Ciyaartan ku seegayo kaarka casaanka ama roosaha.

Sido kale dheeshan Horseed waxaa ka maqnaan doona ciyaaryahan xasaasi kaa uu kulankan tarboonka ka daawan doona, maadama isaga Iyo hogaamiyaha kooxda oo qilaaf soo dhax galay.

Naadiga Cawo Iyo maalin ee Horseed ayaa kulankeedii 3-aad galabta ciyaari doonto waxeyna leedhahay 2-dhibcood oo qura, taas oo ka dhigan iney labadii kulan ugu dambeyay ay bar baro soo gashay.

XAQIIQOOYINKA MUQDISHO CITY CLUB:

Kooxda kubadda cagta Muqdisho City Club kulankii ugu dambeyay waxey isku garab dhaceyn kooxda Jazeero Sports Club, kulan ciyaareed ku soo dhamaaday 1-1.

Muqdisho City Club sanadkan uma ahan sanad barwaaqeysan maadama labadii kulan ee ugu dambeyay ay horyaalka ka ciyaarto, midna laga adkaaday halka kan kalana ay bar baro gashay, taas oo keentay in ay leedhahay 1-dhibcood oo qura.

Kulanka galabta kooxda Muqdisho City Club waxaa ka maqnaan doona xidigaha kala ah Cabdiqaadir Eenow Banteki iyo goolhaye Saciid Yamani, waxeyna ciyaarta ku seegayan xidigahan dhaawacyo kala duwan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close