DAAWO: Arag wixii uu sameeyay Hazard kaddib markii ay Man City Rigooradii guusha ee Carabao Cup ka dhalisay Chelsea

(London) 26 Feb 2019. Manchester City ayaa ciyaar la isku riiqmay rigoorayaal kaga adkaatay Chelsea iyadoona ku guuleysatay Carabao Cup.

Eden Hazard ayaa muujiyay inuu noqon karo hogaamiyahay (Kabtanka) ruuxiga ah ee kooxda kaddib markii uu mid mid ugu tagay ciyaartoyda Chelsea isagoo niyada u dhisaya ugana tacsiyeynaya guul darada ka soo gaartay City iyo koobka laga qaaday.

Waxaa muuqaalka ka muuqanaya laacibka reer Belgium oo niyad jab dartii ay qaarkood dhulka fariisteen markii uu Raheem Sterling ka dhaliyay rigoorad guusha, balse Hazard ayaa durba ku jeestay ciyaartoyda oo wada gacan qaaday isagoo niyada u dhisaya.

BAL DAAWO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close