Cristiano Ronaldo oo furaya xarun Timaha loogu abuuro dadka Bidaarta leh iyo Gacalisadiisa oo…

(Madrid) 26 Feb 2019.  Xidigga kooxda Juventus iyo xulka Bortuqiiska Cristiano Ronaldo ayaa xarun aad loo qalabeeyay oo malaayiin dollarna ay ku baxday oo dadka bidaarta leh loogu abuurayo Timo ayaa waxa uu ka furanayaa magaallada Madrid ee caasimadda Spain.

Muddo dheer ayaa la sheegayaa in Ronaldo ay qorshaha ugu jirtay in uu xarun nuucaan oo kale ah furo, iyadoo xaruntan uu madax uga dhigi doono saaxiibtiisa Georgina Rodriguez.

Xaruntan ayaa xarigga laga jari doonaa 18 bisha soo socota ee Maarso, waxaana warbixintu sheegeysaa in ay ka shaqeyn doonaan 150 qofood oo ku takhasusay howlaha tima abuuridda, iyadoo halkaana lagu diyaariyay 18 qol oo markiiba 18 qofood timaha loogu abuuri karo.

Qiimaha aad xarunta cusub ee Cristiano Ronaldo timaha uga abuuran karto ayaa ku kacaya 4;600 oo dollar.

Warbixin uu soo saaray CR7 ayaa waxa uu yiri “marka laga soo tago kubadda cagta, waxaan xiiseeyaa caafimaadka, Tiknoolojiga iyo daraasadaha, waana meelaha aan doonayay in aan maal gashado”.

Ronaldo oo soo xaadiri doona xafladda furitaanka xarutiisan cusub ee dadka timaha loogu abuuri doono ayaa waxa uu yiri “waxaan haynaa aqoontii, inaad meelka baxsan Bortuqiiska ka furato xarun caafimaadna waxaan u baahannahay sumcad”.

 Ronaldo is ready to open a new hair transplant centre

qalabeyn casri oo lagu sameeyay xarunta cusub ee caafimaadka ee Cristiano Ronaldo

 The state-of-the-art facility has received huge investment from Cristiano Ronaldo

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close