“Waan ka nastay Ronaldo haddaanba bilaabay inaan ciyaaro kubaddeyda runta ah.”.- Benzema

(Madrid) 25 Feb 2019.  Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Real Madrid, Karim Benzema ayaa sheegay in uu ka reystay dhaliyihii hore ee naadiga Cristiano Ronaldo, haatanna uu soo bandhigayo kubbaddiisa saxda ah ee Madrid halka markii hore uu ka garab ciyaari jiray CR7.

Ronaldo oo 5 jeer ku guuleystay kubadda dahabka ah ayaa 9 sanadood ka ciyaarayay Santiago Bernabeu ka hor intii uusan xilli ciyaareedkan ku biirin Juventus, waxaana kooxda Spanish-ka ah uu u dhaliyay 450 gool 438 kulan.

Benzema oo u warramayay ‘France Football’ ayaa waxa uu yiri “Markii hore waxaa joogay xariif 50 gool halkii xilli ciyaareed dhaliya, aniguna waxaan ahaa caawiye oo kale, waxaan ka garab ciyaari jiray Ronaldo, waxaan ahayn laba ciyaartooy oo isku fiican, mar walba si joogto ayaan u eegi jirey anigoo hadafkeygu ahaa inaan caawiyo si uu goolal badan u dhaliyo”.

“Haatan, waxaan ahay hoggaamiyaha dhanka weerarka, aniga ayayna i jirtaa inaan ciyaarta wax ka beddelo, aad ayaan ugu faraxsanahay, maxaa yeelay haatan waxaan ciyaari karaa kubaddeyda saxda ah” ayuu sii raaciyay Benzema.

Ciyaaryahan Benzema waxa uu ku soo biiray Real Madrid 2009, xilligaas oo ay ka soo iibsatay kooxda Lyon, waxaana mar walba lagu cambaareyn jiray gool la’aan xilligii uu CR7 joogay Bernabeu.

Si kastaba ha ahaatee, xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay Benzema ee Real Madrid oo uusan joogin Ronaldo, waxa uu dhaliyay 20 gool 40 kulan oo uu dheelay.

Dhanka kale Ronaldo ayaa isna ka shaqeysanaya Horyaalka Talyaaniga, isagoo 19 gool ku hoggaaminaya Serie A-da.

Benzema oo 31 jir ah waxa uu Real Madrid kula guuleystay laba Horyaal oo La Liga ah, laba jeer oo Copa del Rey ah iyo 4 Champions League.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close