Talaabada ay Chelsea ka qaadi doonto Goolhaye Kepa oo la ogaaday kaddib markii uu ka dhaartay inuu garoonka ka soo boxo ciyaartii Xalay…!!!!

(England) 25 Feb 2019. Goolhayaha Chelsea Kepa ayaa ka dhaartay inuu garoonka ka soo boxo mar badel oo taagay ciyaartii xalay ay Man City rigoorooyinka ku qaaday Carabao Cup.

Goolhayaha reer Spain oo awalba shaki laga muujinayay taam ahaanshihiisa kulanka maadaama uu qabay dhaawac muruq ah ayaa intii ay ciyaartu socotay labo mar dhulka dhacay.

Waqtigii dheeriga ee lagu daray ciyaarta ayuu Sarri soo kiciyay Caballero si uu ugu badelo Kepa oo dhaawac qabay, balse laacibka ayaa diiday inuu ka soo boxo garoonka isagoona sheeganay inuu fiican yahay oo uu ciyaarta sii wadanayo.

Falkan ayaa aad uga careysiiyay Macalinka reer Talyaani oo tuuray wax uu gacanta ku hayay isagoona xitaa abaaray albaabka garoonka looga boxo balse soo laabtay.

Dad badan ayaa aaminsanaa in Chelsea ay talaabo xoogan ka qaadi doonto goolhayaheeda iyadoo dul dhigi doonta ganaax lacageed ama mid garoonka kulamo looga mamnuucayo.

Laakiin sida uu warinayo warsidaha caanka ah ee Evening Standard, Chelsea ma qorsheynayso inay Lacago amaba ganax kale dul dhigto goolhayaheeda Kepa.

Ilo wareedyo kooxda ah ayaana tibaaxaya in Goolhayaha iyo tababare Sarri ay doonayaan inay gadaal iska mariyaaan oo duugaan wixii xalay dhacay.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close