“Rigooradaada uma jeedin ee dhankee ka dhalisay?.”.- Guardiola iyo Sterling oo sheekadan dhex martay Ciyaartii Xalay ee Chelsea kaddib

(London) 25 Feb 2019. Manchester City ayaa ciyaar la isku riiqay xalay rigoorayaal Carabao Cup uga qaaday kooxda Chelsea.

Raheem Sterling ayaa dhaliyay rigoorada guusha ee kooxdiisa balse tababare Pep Guardiola cabsi darteed ma uusan fiirin oo wuu ka jeestay isagoo markii dambe laacibka waydiiyay dhanka uu rigoorada ka dhaliyay.

“Pep Guadiola ma uusan daawan rigooradeyda,” Sterling ayaa sidaa yiri

 Raheem Sterling had to tell Pep Guardiola where he placed his penalty

“Halkee ka dhalisay? ayuu i waydiiyay waxaan u sheegay inaan kor ka dhaliyay.

“Waa dareen fiican, waxaan joogaa gurigeyga waxaan joogaa Wembley magaaladeyda.

“Wuxuu ahaa kulan adag balse dareen cajiib ah, wiilashu cajiib ayay ahaayeen maanta.

“Waxaan rigoorada kala hadlay Leroy Sane wuxuuna igu yiri iska hubi haddaad dhaliso waa rigoorada guusha. Waxay midaa ahayd kalsoonida aan u baahnaa.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close