Laacib sameeyay dabaal degii Anshax xumada ahaa ee Diego Simeone……(Maxaase ka raacay!!?)

(Yurub) 25 Feb 2019. Mid ka mid ah xidigaha ka ciyaara heerka 4-aad ee horyaalka Serie D ee dalka Talyaaniga ayaa u dabaal dagay qaabkii macalinka kooxda Atlético Madrid ee Diego Simeone.

Diego Simeone ayaa kulankii ay kooxdiisa Atletico Madrid guusha kaga gaartay kooxda Juventus 2-0, wuxuu ugu hor dabaal dagay jamaahiirta si waali ah, kadib markii uu si Anshax xuma ah u qabsaday Xaniinyaha.

Image result for Diego Simeone and Riccardo Moreo

Sida ay shaaca ka qaaday saxaafada dalka Talyaaniga ciyaaryahankan oo magaciisa lagu sheegay Riccardo Moreo kana tirsan kooxda Prato ee ka ciyaarta heerka 4-aad ee horyaalka Serie D ayaa sameeyay dabaal degii Anshax xumada ahaa ee Diego Simeone, kadib ciyaartii ay 2-1 kaga badiyeen kooxd Villarejo.

Image result for Diego Simeone and Riccardo Moreo

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in garsooraha ciyaarta uu siiyay ciyaaryahan Riccardo Moreo kaarka roosaha ee toos ah, kadib markii uu sameeyay falkan Anshax xumada ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close