“Kama baqeyno Messi kulanka El Clásico”

(Spain) 25 Feb 2019. Xidiga da’ada yar ee reer Brazil iyo kooxda Real Madrid Vinícius Júnior ayaa sheegay in Los Blancos aysan wax cabsi ah ka qabin kulanka El Clásico-da ay kaga hor imaan doonaan Lionel Messi kooxdiisa Barcelona.

Vinícius Júnior ayaa xalay ku hogaamiyay kooxdiisa Real Madrid in ay guul 2-1 kaga gaarto Levante, kulankoodii 25-aad ee horyaalka La Liga.

Image result for messi and Vinícius Jr

Wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa soo xigtay wareysi uu bixiyay Vinícius Jr kadib ciyaarta wuxuuna yiri:

“Waan ku faraxsanahay inaan guul ku gaarno garoon ay in badan ku dhibtoodaan kooxaha ku ciyaara, waxaan haatan ka fikireynaa waxa dhici doona ciyaarta soo socota”.

“Waxaan sugeynaa kulanka soo aadan ee El Clasico-da, mana ka cabsaneyno Messi, inkastoo uu yahay ciyaaryahan weyn, laakiin waxaan heysanaa kan aduunka ugu fiican”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close