Inter Milan oo lacag culus kula soo wareegaysa Weeraryahan Romelu Lukaku

(Milan) 25 Feb 2019.   Sida lagu qoray wargeyska ‘Corriere dello Sport’ ee Talyaaniga ka soo baxa waxaa kooxda kubadda cagta Inter Milan ay qorsheyneysaa in ay 75 milyan oo Euro xagaagan kula soo wareegto weeraryahanka kooxda Manchester United iyo xulka Belgium Romelu Lukaku.

Inter ayaa sida warbixintu sheegayso waxa ay Lukaku u aragtaa mid buuxin kara booska Mauro Icardi oo dhowaan laga qaaday astaanta kabtannimo ee kooxdaas isla markaana u muuqda inuu ka tegayo naadigaasi.

Lukaku oo 25 jir ah ayaa 84 kulan oo uu u saftay Manchester United waxa uu u dhaliyay 36 gool tan iyo markii uu Old Trafford yimid 2017.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close