Inkastoo ay Man City xalay ku guuleysatay Carabao Cup misane Jab Wayn ayaa ka soo gaaray kulanka

(England) 25 Feb 2019. Manchester City ayaa markii ugu horreysay taariikhdeeda labo jeer oo is xigta ku guuleysatay koob wayn kaddib markii ay rigoorayaal Carabao Cup uga qaadeen Chelsea.

Yeelkeede, kooxda Pep Guardiola ayaa waxaa soo gaaray jab wayn oo waxaa ka dhaawacmay labo xiddig oo muhiim u ah xilli ay ku dagaalamayaan Premier League iyo Champions League.

 Aymeric Laporte was replaced at half-time by Vincent Kompany at Wembley

Xiddiga qadka dhexe sida mashiinka uga shaqeeya ee Fernandinho ayaa dhammaadka ciyaarta laga saaray garoonka halka Daafaca birta ah ee Aymeric Laporte la bixiyay qeybtii hore kaddib markii ay soo gaareen dhaawacyo.

Pep Guardiola oo ciyaarta kaddib hadlay ayaa qiray in usbuucyo ay garoomada ka maqnaan doonaan labada laacib.

 Fernandinho also hobbled off and the pair are expected to be out for a few weeks

“Fernandinho iyo Laporte waxay garoomada ka maqnaan doonaan usbuucyo yar,” Guardiola ayaa sidaa yiri.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close