FA-ga oo baaris xoogan ku bilaabay tababare Mauricio Pochettino, kadib kulankii Burnley

(England) 25 Feb 2019. Tababaraha kooxda Tottenham Hotspur ee Mauricio Pochettino ayaa ku jira baxar wayn, kadib markii lagu eedeeyay in fal anshax xumo ah uu ku dhaqaaqay kulankii ay la ciyaareen Burnley.

Sida laga soo xigtay shabakada “Sky Sport” ee dalka England xiriirka kubada cagta dalka England ee FA-ga ayaa si rasmi ah ugu eedeeyay Pochettino dhaqan xumi, kadib markii uu si kulul ula dooday garsooraha dhamaadka ciyaartii Burnley.

Garsooraha reer England ee Mike Dean ayaa maamulay ciyaartii dhex martay kooxaha Tottenham iyo Burnley Sabtidii, waxaana ciyaarta ka dhashay muran xoogan, kadib goolkii koowaad ay dhaliyeen kooxda Burnley.

Kulankan ayaa ku dhamaaday 2-1 ay guusha ku raacday kooxda Burnley, ciyaarta kadib ayaana kaamirooyinka qabanayeen muran xoogan ee dhex maray Mauricio Pochettino iyo garsoore Mike Dean, waxayna xaalada u muuqatay in macalinka reer Argantina uu si kulul u weeraray garsooraha reer England.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in xiriirka kubadda cagta ee FA-ga uu fursad u siiyay Mauricio Pochettino inuu kawaab kaga soo celiyo eedeymaha loo haysto ilaa iyo fiidnimada Talaadada.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close