“Waa ku baryaa kulanka caawa uun Kante ka ciyaarsii booskiisa.”. Xiddig ka tirsan Chelsea oo Codsigan hordhigay Sarri ka hor kulanka caawa ee Man City

(London) 24 Feb 2019. Chelsea iyo Manchester City ayaa daqiiqado yar uun kaddib isku fara saari doona gegada Wembley Finalka Carabao Cup.

Qadka dhexe ee Blues ayaa waxaa ka muuqata habacsanaan tan iyo markii uu yimid Sarri maadaama uu qadka dhexe ee daafaca ka ciyaarsiinayo Jorginho isagoona weerarka u diray Kante.

Dhaleeceymo badan ayaa macalinka reer Talyaani uga timid saxaafadda balse wuxuu weli ku madax adeegayaa in Jorginho uu booska kaga haboon yahay madaalaha reer France.

Yeelkeede, warsidaha caanka ah ee Daily Mail ayaa qoraya in xiddig ka tirsan Chelsea uu Sarri u sheegay inuu maankiisa badelo isla markaana uu kulanka caawa Kante u soo celiyo booskiisa xalaasha ah.

Warsidaha ma uusan magac dhabin laacibka, laakiin wuxuu sheegay inuu ka tirsan yahay xiddigaha waa wayn ee kooxda.

Waa la arki doonaa haddii uu Sarri badelo maankiisa oo uu kulanka dhawaan ee City uu Kante ka ciyaarsiiyo qadka dhexe ee daafaca.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close