Solskjaer oo rikoor cusub dhigay kulankii galabta ay Manchester United barbar dhac kula gashay Liverpool

(Manchester) 24 Feb 2019.  Tababaraha kumeel gaarka ah ee kooxda Manchester United ee waddanka Ingiriiska Ole Gunnar Solskjaer ayaa galabta rikoor cusub u dhigay Horyaalka Ingiriiska kaddib markii uu urursaday dhibcihii ugu badnaa ee tababare helo 10-kiisii kulan ee ugu horreeyay.

Solskjaer oo xilka Manchester United loo magacaabay bishii December ee sanadkii hore markii Man United ay ceyrisay tababare Jose Mourinho ayaa waxaa 10 kii kulan ee ugu horreeyay ee xilkiisa macallinimo ay kooxda Manchester urursatay 26 dhibcood.

Tababaraha Norwegian-ka ah ayaa ayaa galabta hoggaaminayay Manchester United kulan ay barbar dhac Old Trafford kula gashay Liverpool 0-0, waxaana uu sidaasi ku jebiyay rikoorka tababarihii urursaday dhibcihii ugu badnaa tobankiisa kulan ee ugu horreeyay EPL, kaasoo ahaa Guus Hiddink (25 dhibcood), xilligaas oo uu macallin u ahaa Chelsea.

Haatan Solskjaer waxaa iska muuqata in si rasmi ah loogu caleema saari doono tababarenimada Manchester United, maadaama uu sare u soo qaaday awooddii kooxda oo muddo badan hooseysay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close