Maxaa kala qabsaday Sarri iyo Kepa, kadib markii uu goolhaayaha reer Spain sameeyay amar diido?

(England) 24 Feb 2019. Kooxda Chelsea ayaa dib inoo xasuusiyay caawa sheekada ciyaal xaafadeedka kulanka ay kula ciyaareen kooxda Man City finalka EFL Cup.

Goolhaaye Kepa Arrizabalaga ayaa iska diiday inuu garoonka ka baxo kadib markii uu tababare Maurizio Sarri isku dayay inuu ciyaarta badal kaga saaro, si uu u keensado Caballero.

Goolhaayaha reer Spain ayaa go’aan adag ka qaatay inuu ciyaarta ka baxo wuxuuna go’aansaday inuu iska diido hadalka macalinka reer Talyaani.

Sarri ayaa ku war galiyay garsoorayaasha ciyaarta in Goolhaaye Kepa Arrizabalaga ay garoonka ka saaraan, laakiin wuxuu ku adkeysatay inuusan bixin.

Ciyaarta ayaa hakat gashay si loo kala dhex dhexaadiyo khilaafka tababare Maurizio Sarri iyo Goolhaaye Kepa Arrizabalaga, balse ugu dambeyn goolhaayaha reer Spain ayaa ku adkeestay inuu sii wato ciyaarta.

Macalinka reer Talyaani ayaa si weyn kaga carooday go’aanka Kepa Arrizabalaga, wuxuuna ku dhawaaday in uu xitaa garoonka isaga dhaqaaqo, balse dib ayuu ugu soo laabtay booskiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close