Juventus oo dhigtay taariikh cusub oo aan weligeed horey uga dhicin Serie A-da Talyaaniga

(Bologna) 24 Feb 2019.  Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa galabta kulan xiiso badan waxa ay 1-0 dirqi ah dibadda kaga soo guuleysatay kooxda Bologna ciyaar ka tirsanayd kulammadii 25 ee Horyaalka Talyaaniga.

Tareenka Juventus ayaa la joojin la’yahay iyadoo ku socota in ay markeedii 8-aad oo xiriir ah ay ku guuleysato Koobka Serie A-da Talyaaniga.

Waxaa Juventus haatan loo aqoonsaday inay noqotay kooxda keliya ee abid taariikhda Horyaalka Talyaaniga ee 22 kulan kulan guuleysata iyadoo la marayo isbuucii 25-aad.

Bianconeri waxa ay hoggaanka u haysaa kala sarreynta kooxaha Talyaaniga iyadoo leh 69 dhibcood, halka kooxda ku soo xigta ee Napoli ay leedahay 56 dhibcood.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close