Goolhaye David de Gea oo 100 kulan aan wax gool ah laga dhalin isagoo noqday goolhayihii…

(Manchester) 24 Feb 2019.  Kulankii cuslaa ee galabta ay Manchester United 0-0 ku celisay kooxda Liverpool ee ka tirsanaa Horyaalka Ingiriiska waxaa goolhayaha naadiga Manchester United David de Gea uu u ahaa kulankiisii 100 ee aan wax gool ah laga dhalin tan iyo markii uu yimid Manchester United.

Rikoorkaas ayaa ka dhigaya goolhayihii 7-aad ee 100 kulan wax goolal ah ka difaacda shabaqiisa taariikhda Horyaalka Ingiriiska, iyo goolhayihii labaad ee Manchester United ee 100 ciyaar aan gool laga dhalin marka laga reebo goolhayihii hore ee Manchester United Peter Schmeichel.

Schmeichel ayaa halyeey looga yaqaannaa Old Trafford, maadaama waqtigiisii sagaashameeyadii uu 5 Horyaal Ingiriis la qaaday Manchester United.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close