Real Madrid oo guul ay u dhibtootay ka gaartay kooxda Levante +Sawiro

( Spain) 25 Feb 2019 kooxda Real Madrid ayaa guul muhiim ah gaartay kadib markii ay Levante kaga adkaatay 2-1, kulan ka tirsanaa kulamada 25-aad ee horyaalka La Liga ee xili ciyaareedkan.

Levante oo ku ciyaareysa mininkeeda ayaa marti soortay kooxda Cad Cadka oo raadinaya guul maadama laga soo adkaaday kulankii dhawaan ee horyaalka.

Real Madrid ayaa la soo gashay qaab ciyareed wanaagsan iyaga oona helay gool qeebtii koowaad ee ciyaarta waxaana goolkaas u ahaa mid rigoore ah waxaana u dhaliyey xidigooda reee Farnce ee Benzema daqiiqadii 43-aad ee ciyaarta .

Qeebtii koowaad ee ciyaarta ayaa lagu kala maray Madrid oo hogaanka ciyaarta ku heysa 1-0 Wiilahsha Los blancos ayaana eganaya sidii ay u soo yareen lahayeen farqiga dhibcaha ee ay ka sareyso Barcelona .

Waqti kooban kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta, kooxda Levante oo gool deen ah lagu lahaa ayaa iska soo guday waxaana gool u dhaliyey xidigooda lagu magacaabo Roger Martí daqiiqadii 67-aad ciyaarta .

Madriid oo uu xaalka ku xumaaday kaddib markii laga bareejeyey goolka ayaa durba sii laba jibaartay dadaalkeeda si ay markale u qabto hogaanka ciyaara .

Daqiiqadii 78-aad ee ciyaarta Real ayaa heshay goolka kale waxa uuna ahaa mid rigoore ah waxaana golkaas u dhaliyey laacibkooda xawaaraha dheereeya ee Bale .

Gaba gabadii Nacho oo ka tirsan Real Madrid ayaa qaatay calaamda casaanka daqiiqadii 86-aad ee ciyaarta .

Ugu dambeen Real ay gaartay guul dirqi ah iyada oo ay xusid mudantahay in arbacada ay kulanka lugta labaad ee taratnka boqorka Spain ay la dheeli doonan kooxda ay sida ween u xifaaltamaan ee Barcelona.

 l

GOOL FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close