WAR CUSUB: Ciyaartoyda Real Madrid waxay doonayaan in Juventus iyo Ronaldo laga reebo Champions League!

(Madrid) 23 Feb 2019.   Wararka ka imaanaya waddanka Spain ayaa sheegaya in ciyaartoyda kooxda Real Madrid ay doonayaan in naadiga ay xafiltamaan ee Atletico Madrid ay garaacdo Juventus, isla markaana ka reebto Koobka Champions League.

Lugtii hore ee wareegga 16 dhammaadka Horyaallada Yurub ayaa waxaa Atletico Madrid ay gurigeeda Wanda Metropolitano 2-0, kaga badiyeen Camaaliqada Serie A-da ee Juventus, taasoo lugta labaad ka dhigaysa mid aad u adag.

Wargeyska ‘AS’ ayaa qoray in ciyaartoyda Real Madrid ay doonayaan in Atletico guuleysato maadaama ay isku magaallo ka dhisan yihiin halkii ay guuleysan lahayd kooxda Juventus oo Talyaaniga ka socota isla markaana u gudbi lahayd Nus dhammaadka Champions League.

Warbixintu waxay ku daraysaa in laacibiinta Atletico ay ka war hayaan sida Cristiano Ronaldo uu natiijada lugta labaad wax uga beddeli karo isla markaana kooxdiisa Juventus ku hoggaamin karo inay libin ka helaan Atletico.

Ronaldo oo 34 jir ah ayaa ah xidigga ayaa ah xidigga ugu goolasha badan taariikhda Koobka Champions League 121 gool.

Dhanka kale maalin kaddib kulankii Arbacadii hore ee Atletico Madrid iyo Juventus 2-0 ayaa waxaa la arkayay Ronaldo oo gacanta ku tilmaamaya in uu 5 Champions League ku guuleystay Atletico Madridna aysan hal xabo ku guuleysan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close