Valverde oo si RASMI ah ugu dhawaaqay Liiska xidigaha Barcelona ee kaga qablaya kulanka Sevilla… (Magacyada LIX xidig oo liiskan ka maqan)

(Barcelona) 23 Feb 2019. Tababare Ernesto Valverde ayaa daaha ka rogay liiska xidigaha kooxda Barcelona uu ula safrayo kulanka maanta ee Sevilla ku wada ciyaari doonaan horyaalka La Liga, kaasoo ka tirsan kulamada 25-aad ee xili ciyaareedkan.

Samuel Umtiti ayaa liiskan ku soo baxay, kadib markii uu maalmo kahor helay warqada ogolaanshaha ka helay dhakhtarka si uu qeyb kaga noqdo kulamada kooxda Barcelona.

Difaaca reer France ayaa mudo 4 bilood ah dhaawac dhanka jibka  garoomada kaga maqnaa, waxayna dib u soo laabashadiisa imaaneysaa waqtigii ugu muhiimsanaa ee xili ciyaareedka.

Laakiin waa taasi badalkeeda liiskan ka maqan xidigo ay ka mid yihiin Thomas Vermaelen, Jasper Cillessen, Arthur Melo, halka sidoo kale sababo farsamo ee dhanka macalinka ay ku maqan yihiin xidigaha Boateng, Sergi Samper, Jean-Clair Todibo.

Hadaba xidigaha liiskan ku soo baxay si ay kaga qeyb galaan kulanka maanta ee Sevilla ayaa waxaa kala ah:

Ter Stegen, Peña, Semedo, Piqué, Lenglet, Umtiti, Alba, Murillo, Sergi Roberto, Busquets, Rakitic, Vidal, Carles Aleñá., Coutinho, Malcom, Ousmane Dembélé, Suarez, Messi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close