Owen oo saadaaliyay kulamada adag ee Berito, Man United vs Liverpool iyo waliba Final ka Carabao Cup ee Chelsea vs Man City

(Europe) 23 Feb 2019. Dhaliyihii hore ee xulka England, Liverpool, Man United, Newcastle United iyo waliba Real Madrid Michael Owen ayaa saadaaliyay kulamada adag ee berito dhex mari doona Man United iyo Liverpool tartanka Premier League iyo waliba kulanka Final Carabao Cup ee Chelsea vs Manchester City.

Man United oo baryahaan ku jirta qaab ciyaareed wacan ayaa marti qaadi doonta kooxda ay sida wayn u coltamaan ee LIverpool halka Blues iyo City ay ku ciyaari doonaan Wembley Stadium.

Owen ayaa kulanka Final ka Carabao Cup ku saadaaliyay in kooxda Pep Guardiola ay 2-1 uga adkaan doonaan wiilasha Sarri.

Halka kulanka adag ee dhex mari doona kooxihiisii hore ee Reds iyo Red Devils uu ku saadaaliyay bar baro 1-1.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close