Kooxda Chelsea oo dooneysa in Man City ay ka aar gudato… (Bal Eeg Shaxda la filayo in tababare Sarri uu ku soo galo kulanka bari)

(Chelsea)  23 Feb 2019. Wargeyska “Daily Express” ee dalka England ayaa shaaca ka qaaday shaxda la filayo in kooxda reer London uu hogaaminayo tababare Maurizio Sarri ay ku soo gasho kulanka bari ay ku wajihi doonaan finalka Carabao Cup-ka kooxda Manchester City.

Maurizio Sarri ayaa u baahan kulanka bari inuu guul ka gaaro Manchester City, si uu u bad baadiyo shaqadiisa kooxda ka dhisan galbeedka magaalada London ee Chelsea.

Macalinka reer Talyaani ayaa waxay ka dhigan tahay in hadii ay guuldaro kale la kulanto kooxda Chelsea uu cagta ka furan doono garoonka Stamford Bridge.

Yeelkadeed, kulan aad u adag ee la wada sugayo ayay bari kooxaha Chelsea iyo Manchester City ku wada ciyaari doonaan finalka Carabao Cup-ka garoonka Wembley.

Hadaba shaxda la filayo in Maurizio Sarri uu ku soo galo kulanka bari ayaa ah:

Goolhaaye: Caballero

Difaacyada: Alonso, Luiz, Rüdiger, Azpilicueta.

Khadka dhexe: Barkley, Kanté, Jorginho,

Weerarka: Hazard, Willian, Higuain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close