Franck Ribery oo ka carooday beddelkii lagu sameeyay salaantana ka qaadi waayay tababare Kovac

(Munich)  23 Feb 2019.  Laacibka garabka kaga ciyaara kooxda Bayern Munich ee waddanka Jarmalka Franck Ribery ayaa caawa beddel lagu sameeyay ciyaartii ay Bayern 1-0 caawa kaga guuleysatay Hertha Berlin ee ka tirsanayd Horyaalka Bundesliga.

Daqiiqaddii 58’ ayaa Ribery beddel lagu sameeyay waxaana la soo geliyay Kigsley Coman oo isna nasiibdarro dhaawacmay ciyaartana laga saaray 10 daqiiqo kaddib.

Goolka qura ee Bayern Munich waxaa daqiiqaddii 62’ u dhaliyay Javi Martinez.

Waxaa la arkayay Ribery oo 35 jir ah oo markii uu garoonka ka sii baxayay salaan uu u soo taagay tababare Niko Kovac ka qaadi waayay isagoo ka xun beddelka lagu sameeyay.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close