Dimitar Berbatov oo talo muhiim ah u jeediyay xidiga kooxda Real Madrid ee Gareth Bale

(Yurub) 23 Feb 2019. Weeraryahankii hore kooxaha Tottenham Hotspur iyo Manchester United ee Dimitar Berbatov ayaa talo muhiim ah u jeediyay xidiga heerka caalami ee reer Wales Gareth Bale.

Xidiga reer Weles ee Gareth Bale ayaan wakhti fiican ku heysanin kooxda Real Madrid iyadoo shaki la galinayo mustaqbalkiisa garoonka Santiago Bernabéu.

Hadaba wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu dhawaan bixiyay Dimitar Berbatov waxaana hadalkiisa ka mid ahaa:

“Talada aan siinayo Bale? Hadii aan lagaa jecleyn Madrid, waa inaad baxdaa”.

“Waxay ku cambaareeyaan Gareth Bale wax walba ee xumaan ah ee ka dhaca kooxda Real Madrid”.

“Ma fahmin, sababtoo ah taasi waa cadaalad daro, marka loo fiiriyo tirakoobkiisa, wuxuu ku dhaliyay 12 gool 30 kulan waana wax aad u fiican”.

Intaas kadib Berbatov ayaa ka hadlay suurtagalnimada uu Bale ugu laaban karo Premier Leagu si uu ugu biiro kooxdiisii hore ee Tottenham Hotspur wuxuuna yiri:

“Waxay ku xiran tahay dhaqaalaha, mana u maleynayo in Tottenham ay bixin karto 100 milyan oo euros”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close