Barcelona oo guul soo labasho leh ka gaartay kooxda Sevilla +Sawiro

( Spain ) 23 Feb 2019 Waxaa soo dhamaaday kuan ciyaareedkii u dhexeyey kooxaha Sevilla iyo Barcelona kaas oo ka tirsanaa horyaalka Spain ee La Liga , Barcelona ayaana guul dirqi ah ka gaartay Seviilaa.

Kulanka ayaa ahaa mid aad u xiiso badan labada koox ayaana soo bandhigay ciyaar aad loo jecleesto qeebtii koowaad ee ciyaarta .

Sevilla oo ku ciyareysay garoonkeeda ayaa la hormartay goolka koowaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey kabtankooda lagu magacaabo Navas waxaana ka caawiyey goolkaas Ben Yedder oo ka ciyaara weerarka.

Daqiiqadii 29-aad ee ciyaarta kooxda Barcelona ayaa la timid goolka bareejada ee ciyaarta waxaana u dhaliyey Messi waxaana ku lug lahaa Rakitic.

Sevilla ayaa sii laba jibaartay dadaalkeeda waxa ayna heleen golkii labaad ee ciyaarta intaan la aadin nasiinada qeebta dambe waxaana goolkaas keenay dafaca lagu magacaabo Mercado.

Qeebtii koowaad ee ciyaarta ayaa lagu kala maray Sevilla oo hogaan ciyaarta heysa balse Barca ayaa qeebtii dambe ee ciyaarta la soo gashay dar dar xoogan iyo weeraro is daba joog ah.

Kabtanka kooxda Bulgrana Leo messi ayaa mar kale kooxdiisa u keenay goolka bar barha ee ciyaarta waxaana goolkaas ka caawiyey xidiga reer Farance ee Osman Dembele.

Sevilla waxaa la soo darsay culees badan iyaga oona garan wayey hab loo celiyo Messi kaas oo shabaqa gaaray markiisii sedexaad natiijada ciyaarta ayaana noqotay 3-2.

Daqiiqadii 90-aad ee ciyaarta Barcelona ayaa la timid goolka rajada waxaana u dhaliyey xidigooda weerarka ee Suarez .

Ugu dambeen ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay Barca oo guul mucjiso la heyd ka gaartay dhigeeda Sevilla ciyaar ku dhamatay (4-2)

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close