Alexis Sánchez oo ku qasbaya tababare Solskjær inuu qaato go’aan halistiisa wata kahor kulanka Liverpool

(Manchester) 23 Feb 2919. Sida ay shaaca ka qaadeen wargeysyada gudaha dalka England, weeraryahanka reer Chile ee Alexis Sánchez ayaa laga yaabaa in tababare Ole Gunnar Solskjær uu ku riixo in uu qaato go’aan deg deg ah.

Sida uu shaaca ka qaaday wargeyska “The Sun” ee dalka England in tababare Solskjær uusan ku kalsooni qabin in Sánchez uu bandhig fiican ka sameyn karo kulanka Axada ee Liverpool.

Image result for Jesse Lingard and Anthony Martial.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in macalinka reer Norway uu ujeedsan doono ka shaqeynta sida uu si dhaqsi ah ugu heli lahaa adeegyada xidigaha Jesse Lingard iyo Anthony Martial.

Inkastoo Anthony Martial uu dhaawac dhanka gumaarka ah qabo, isla markaana Lingard isna uu dhaawac kasoo gaaray muruqa, hadana tababare Solskjær ayaa diyaar u ah inuu u isticmaalo kulanka bari ee Liverpool, hadii ay ka qeyb galaan laba tababar kahor ciyaartan.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in  Solskjær uu sii wadi doono ka saarida Alexis Sánchez shaxdiisa koowaad ee Manchester United, kadib qaab ciyaareedkiisa niyadjabsan ahaa uu kooxda ku soo bandhigay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close