Zanetti oo si kulul u dhaleeceeyay xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Icardi

(Inter) 22 Feb 2019. Madaxweyne ku xigeenka kooxda Inter Milan ee Javier Zanetti, ayaa si kulul u weeraray xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Mauro Icardi.

Xaalada Mauro Icardi ee kooxda Inter Milan ayaan wanaagsaneyn tan iyo markii laga qaaday calaamada kabtanimada ee kooxda Inter Milan, wuxuuna seegay kulamada ay ciyaartay Nerazzurri.

Hadaba Madaxweyne ku xigeenka kooxda Inter Milan ee Javier Zanetti ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada Sky Sports ee dalka Talyaaniga wuxuu ku dhaleeceeyay Icardi.

“Marka ay dhibaato ka jirto qolka labiska kooxda, waxaa haboon in gudi lagu xaliyo, tani waxay noqon kartaa fursad ay kooxda ku sii xoogeysan karto”.

“Ma jiro xidig ka weyn kooxda, laakiin waan ka xumahay xaalada dhacday”.

“Icardi waa qeyb ka mid ah ciyaartoyda aan heysano waana inaan diirada saarnaa xiisaha kooxda, sababtoo ah ma jiro ciyaaryahan ka weyn kooxda.”

“Mauro Icardi waa qeyb ka mid ah ciyaartoyda aan heysano, waana inuu diirada saaraa maslaxda kooxda, sababtoo ah ma jiro ciyaaryahan ka weyn kooxda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close