RASMI: Manchester City oo heshiis cusub ee wakhti dheer ka saxiixa Aymeric Laporte

(Manchester) 22 Feb 2019. kooxda Manchester City ayaa ku dhawaaqday in ay heshiis cusub ka saxiixatay difaaceeda reer France ee Aymeric Laporte.

Manchester City ayaa heshiis laba sano kale ku sii kordhisay kan uu haatan Laporte ku joogo Skay Bluas ee dhacaya 2023, waxayna gaarsiisay ilaa iyo 2025.

Aymeric Laporte ayaa xili ciyaareedkan kasoo muuqday safka kooxda Manchester City 36 kulan ee dhamaan tartamada kala duwan, isagoo kasoo muuqday kulan kasta oo Premier League ah ilaa iyo haatan.

Difaaca reer France ayaa kadib heshiiskan cusub uu u saxiixay kooxdiisa Manchester City wuxuu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay wuxuuna yiri:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan mudo dheer kusii sugnaado kooxda Manchester City, tan iyo maalintii aan imid halkan, waxaan soo dhaweyn ka helay tababare Pep iyo dhamaan ciyaartoyda”.

“Kooxdan waxay i siisay wax kasta oo aan u baahanahay si aan u hagaajiyo qaab ciyaareedkeyga, waxaan sameeyay dadaalo aad u weyn, waxaana doonayaa inaan hormar sii sameeyo si aan u fiicnaado”.

“Waxaan doonayaa inaan ku guuleysto dhamaan koobabka inta macquulka ah, waxaana dareemayaa in Man City ay tahay meesha ugu fiican ee aan ka heli karo dhamaan hamigeyga”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close