Mid ka mid ah halyeeyada kooxda Chelsea oo ku dhiiragaliyay in qandaraaska ay u kordhiyaan Eden Hazard

(London) 22 Feb 2019. Waa in kooxda Chelsea ay ka shaqeysaa sida ay kaga saxiixan lahayd heshiis cusub ee waqti dheer uu ku sii joogi karo garoonka Stamford Bridge xidigeeda reer Belgian ee Eden Hazard, sidaas waxaa aaminsan Jimmy Floyd Hasselbaink oo ka mid ah halyeeyada Blues.

FIFA ayaa ganaax ay dul dhigtay kooxda ka dhisan galbeedka magaalada London ee Chelsea waxay ku shaacisay in wax dhaqdhaqaaq ah aysan ka sameyn karin suuqa kala iibsiga ilaa iyo 2020.

Image result for Jimmy Floyd Hasselbaink and Hazard

Heshiiska Eden Hazard uu ku joogo kooxda Chelsea ayaa wuxuu dhacayaa 2020, waxaana lala xiriirinayaa inuu ku biiro kooxda reer Spain ee Real Madrid xili ciyaareedka soo aadan.

Hadaba laacibkii hore kooxda Chelsea ee Jimmy Floyd Hasselbaink ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada Sky Sports ee dalka England wuxuu ku sheegay:

“Lama bedeli karo isaga, lamina keeni karo ciyaaryahan cusub ee u fiicnaan kara sida Hazard oo kale”.

“Waan ogahay inay sameeyeen saxiixa Christian Pulisic, laakiin waxay u baahnaan doonaan inay sameeyaan wax badan si ay u badalaan Eden Hazard”.

“Hada xaalada waxay ku xiran tahay kalsoonida Chelsea, isla markaana ay ku qancin karto inuu saxiixo heshiis waqti dheer ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close