Jadwalka Horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedka 2019/2020 oo wax laga beddelay (Goormuu bilaaban doonaa?)

(London) 22 Feb 2019.  Horyaalka Ingiriiska ayaa lagu dhawaaqay in xilli ciyaareedka soo socda ee 2019/2020 uu bilaaban doono 10-ka Agoosto, kaddib markii kooxaha EPL ay soo jeediyeen in loo codeeyo wax ka beddelka xilliga suuqa kala iibsigu xirmayo iyo xilliga Horyaalku bilaabanayo.

08 Agoosto oo ah laba maalmood ka hor billowga xilli ciyaareedka 2019-2020 ayaa la shaaciyay in uu xirmi doono suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Ingiriiska, taasoo ah mid ay ku farxeen inta badan kooxaha EPL.

Kooxaha Ingiriiska ayaa September 2017, waxa ay isku afgarteen in xeerka hadda u deggan Premier League la beddelo iyadoo sida caadiga ah suuqa kala iibsigu xirmi jiray 31 Agoosto, xilligaasoo kooxaha qaar ay ka qayliyeen in ciyaartooy u ciyaareysay Horyaalkoo socdo ay kooxaha kale ka iibsanayaan.

Xilli ciyaareedkii hore waxaa suuqa kala iibsigu xirmay 9 Agoosto iyadoo Manchester United-na kulankeedii ugu horreeyay habeenkii xigay ay la dheeshay Leicester City.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close