Isku aadka wareega 16-ka Europe League oo la sameynayo…(Saacada, Kooxaha soo baxay iyo sida ay isugu aadi karaan)

(Europe) 22 Feb 2019. Waxaa maanta la sameyn doonaa isku aadka wareega 16-ka Europe League iyadoo ay soo gudbeen inta badan kooxaha la filayay sida Chelsea, Arsenal, Napoli, Inter Milan, Sevilla, Valencia.

Haddaba ka bogo xog yar oo ku saabsan isku aadka:

Halkuu ka dhacayaa isku aadka?:

Isku aadka ayaa ka dhici doona Magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Kooxaha u soo baxay wareega 16-ka:

  • Chelsea (ENG)
  • Arsenal (ENG)
  • Napoli (ITA)
  • Sevilla (ESP)
  • Zenit (RUS)
  • Benfica (POR)
  • Dynamo Kyiv (UKR)
  • Rennes (FRA)
  • Krasnodar (RUS)
  • Slavia Prague (CZE)
  • Inter Milan (ITA)
  • Villarreal (ESP)
  • Valencia (ESP)
  • Eintracht Frankfurt (GER)
  • Red Bull Salzburg (AUT)
  • Dinamo Zagreb (CRO)

Sidee isugu aadi karaan kooxaha?:

Ma jiro xeer la ilaalinayo oo si kasta ayay isugu aadi karaan kooxaha taa oo la micno ah in qoorta la isku galin karo kooxaha reer London ee Chelsea iyo Arsenal:

Goorma ayaa la sameynayaa isku aadka?:

Isku aadka ayaa la sameyn doonaa marka ay saacada dhankeena tilmaameyso 3:00 Galanimo.

Gool FM.

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close