AEK Athens oo laba sanadood laga joojiyay ka qayb galka tartammada Yurub

(Zurich) 22 Feb 2019.   Xiriirka kubadda cagta Qaaradda Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay in kooxda AEK Athens ee waddanka Giriigga laga joojiyay ka qayb galka tartammada Qaaradda Yurub labada sanadood ee soo socota.

Sababaha loo ganaaxay AEK ayaa ah kaddib markii taageerayaasheeda ay rabshado ka sameeyeen ciyaartii ay la yeesheen Ajax oo looga adkaaday 2-0 taasoo dhacday 27 November sanadkii hore, waxaana taageerayaasha AEK ay batrool iyo waxyaabo qarxa ku tureen aaggii ay ka soo jeedeen taageerayaasha Ajax.

Waxaa kale oo lagu ganaaxay naadigan in ay bixiyaan 70,000 oo giniga istarliinka ah 90,000 oo dollar, waxaana labada kulan ee soo socda ee tartanka UEFA ee ay dheeli doonaanna ay ku ciyaari doonaan garoon albaabadu u xiran yahay.

Warbixin ka soo baxday maanta oo Jimco ah kooxda AEK Athens ayay raalli gelin kaga bixiyeen qaladkii ay sameeyeen taageerayaashooda, waxaana ay ballan qaadeen in ay tallaabo ka qaadi doonaan taageerayaashooda rabshadaha sameeya.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close